Maxamed Cumar Carte oo la kulmay dhigiisa Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxamed Cumar Carte oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Mareeg.com: R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo ka mid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Central bishii Febaraayo ee sanadkaan loo qaaday Turkiga ayaa maanta magaalada Ankara ee dalkaaskula kulmay dhiggiisa, Numan Kurtulus.

cumar-4

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee dowladda Tukriga ay ka waddo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xog-hayaha safaaradda Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa goob joog ka ahaa kulanka labada masuul.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo dhaawicii ka soo gaaray weerarkii Hotel Central  loogu qaaday dalka Turkiga ayaa tan iyo mudadaas ku jiray Isbitaalka, iyadoo xaaladiisa lala tacaalayay, waxaana dhowaan la filayaa inuu dib ugu soo laabto dalka.

Xaalada caafimaad ee Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa ah mid wanaagsan, isagoo ka soo kabtay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii Hotelka Central.

Kulanka uu la yeeshay dhigiisa Turkiga ayaa ka dhigan markii ugu horreysay ee R/wasaare ku xigeenka lagu arko meel fagaare ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!