Maxamed Cali Samatar oo xaley ku geeriyooday America Ciidanka XDS. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxamed Cali Samatar oo xaley ku geeriyooday America Ciidanka XDS.

Muqdisho ( Mareeg)-Sareeye Guud, Maxamed Cali Samantar oo ahaa shakhsi  caan ka ah somaliweyn ayaa xalay ku geeriyooday Isbital ku yaal gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Sareeye Guud, Maxamed Cali Samantar wuxuu ku  1931kii ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubadda hoose, sida ay laga soo weriyey dadka wax ka  yaqaan taariikhda Mr. Samatar.

Maxamed Cali Samantar kontomadkii ku biiray Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya isagoo Xidigtiisii ugu horeeyay xirtay dabayaaqadii kontameeyadii.

Sareeye Guud, Maxamed Cali Samantar oo ahaa qofka labad  ee ugu awooda badnaa Golihii Kacaanka ee Soomaaliya ayaa soo noqday Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Difaaca Soomaalia.

Korneel Khaliif Idiris Cismaan oo kamid ah saraakiishii ciidanka Xooga Soomaaliya ayaa Shabelle uga warbixiyay waxa uu ka yaqaan Sareeye Guud, Maxamed Cali Samantar.

Janaraal Cabdulaahi Macalin Cali ayaa ku tilmaamay Allaha u naxariistee Mr. Samatar in uu Ahaa qof jecel cadaalada, had iyo jeerna dadaal ku bixiya dhismaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Cabdulaahi Macalin Cali ayaa carabka ku adkeeyay in Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar uu aad u jeclaa Ciidanka si gaar ahna uu u daryeeli jiray.

Mas’uuliyiinta ugu sareeya dowaldda Federaalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar, waxana Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay Samatar wadani kaalin weyn ka qaatay dhismaha ciidanka Xooga Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samantar. Waxaa uu ahaa wadani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’ sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waayihiisii danbe ayaa Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar waxaa uu wajahay dacwad ay ku soo oogeen qoysas Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeeyay in xadgudubyo uu u geystay Eheladooda intii uu kamid ahaa Madaxdii dowladdii dhexe ee Soomaalia.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!