Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa beeniyey warar soo baxay oo sheegayey inuu xilka iska casilayo, wuxuuna tilmaamay inaanu diyaar u ahayn xil uu ka qabto Qaramada Midoobay.
Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay xil u magacaabayo sidaas darteedna uu iskaga casilay xilka wasiirnimo ee arrimaha debamadda Somaliland.
Wasiirka oo saxaafadda la hadlay xilli uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, kana soo laabtay Cardiff, waxa uu warkaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan.
“Warkaas wax ka jiraa ma jiraan, UN-ka waan u shaqayn jiray, waxaan ka ahaa masuul aad iyo aad u weyn, waxaanan ka doorbiday inaan dadkayga u imaado oo dalkayga u shaqeeyo, warkaasina maaha mid sal iyo raad leh”, ayuu yiri Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hor inta aan loo magacaabin xilka wasiirka arrimaha debadda Somaliland muddo dheer u shaqeynayey Qaramada Midoobay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.