Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo goobo waxbarasho laga hirgeliyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo goobo waxbarasho laga hirgeliyey

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa laga hirgeliyey iskuulo maxaabiista wax lagu baro iyadoo xabsiga ku xiran-yihiin maxaabiis aad u fara badan oo loo heysto Dambiyo kala duwan iyadoo mudooyinkii dambe xabisga laga dareemayey isbadal weyn oo dhanka horumarka ah, iyadoo Xabsiga laga hirgaliyey Xarumo loogu talo galay in wax ay ku bartaan Maxaabiista ku jirta. Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa hadda hela Waxbarasho isugu jirta diini iyo maaddi labadaba. Waxaa daruustaasi bixinayo Macalimiin Aqoon durugsan leh oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay horumarinayaan Goobaha waxbarasho ee Xabsiga dhexe ku yaala isagoo tilmaamay in ujeedadoodu ay tahay Maxbuuska markii uu Xabsiga ka soo baxo uu leeyahay Aqoon ama Xirfad uu ku shaqeysan karo.weekly8

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!