Maxaa u sabab ah in Dawlada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ay xooga u Saareen Deyn cafinta.  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaa u sabab ah in Dawlada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ay xooga u Saareen Deyn cafinta. 

Marka hore Waxaan rabaa in aan dib isku weydiino Somalia yaa geliyay deyntaas maxaa u sabab ah deyntaas gaareysa $5 Billion Dollar ah waxaa inta badan la amaahsaday waqtigii Dawladii Kacaanka oo inta badan loo isticmaalay horumarka waddanka iyo in lagu kabo miisaniyada waddanka iyo lacag badan oo la lunsaday, waxyaabaha la taaban karo oo deyntaas lagu dhisay oo China sameysay waxaa ka mid ah National Theatre iyo Dhowr isbitaal, wadooyinka gobolada in badan. Waxaa kale oo deyntaas loo isticmaalay burburkii Dawlada Kacaanka ka dib in Hayadaha UN United Nations oo howla badan oo Somalida u heysteen in si kaalma ah loogu sameeyay laakiin ay deynta lagu biiriyay kharashka baxayay, waxaa kale oo xusid mudan in Somaliland iyo Puntland mashruucyo laga hirgeliyay sida mashruuca xoolaha nool iyo schools loo dhisay intaasna lagu biiriyay Deynta , waqtigaas ma dhisnayn maamul goboleedyada kale.

Waxaa la soconaa in arrinkan Deyn cafinta ay xooga saartay xukuumada oo aan aragnay in Raisal wasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyada ay dhowr mar u yimaadeen Washington arrimaha Deyn cafinta iyada oo loo balansan yahay in deynta la cafin doono February 2020

Markii aan baaris badan sameynay waxaan soo ogaanay in Dawlada ay sababta u raadineyso Deynt cafinta ayna mudnaanta badan ay siisay ay tahay in markii laga cafiyo deynta ay Dawlada diyaarsatay in isla markiiba la siinayo lacag tabaruc ama Grant (  https://www.google.com/amp/s/mobile.reuters.com/article/amp/idUSKBN1WZ0ON )ah $300 Million Dollar ah lacagtaas oo heshiis ku yihiin inay inta badan qaatan madaxda Dawlada iyo saaxiibadooda ku dhow iyada oo lagu soo qaadayo in lagu hormarinayo waddanka.

Waxaa kale oo dhici kartaa in shirkada waaweyn oo qaas ah heshiis lala galo iyaga oo mashruucyo hormarineed loo saxiixo taas oo lagu bixiyo Deyn Cusub iyada oo Wasiirka Maaliyada u saxiixayo Sovereign Guarantee oo ah in IMF/ World Bank bixiso lacag cusub oo deyn ah waqti ay doorashada ka dhimantahay 13 Bilood(13 Months).

Waxaan wada ognahay in wax wanaagsan ay tahay Deyn cafinta laakiin iyada oo laga shaqeynayo waxay ahayd in Dawlada ay xooga saarto amniga shacabkeeda , waxay kale oo ahayd in Juhdiga ay gelisay inay geliyaan in Somalia laga qaado cuna qabateyntaynta Hubka, sidii uu Madaxweyne Farmaajo ugu dadaalay in laga qaado Eritrea cuna qabateyntii saarneyd in la mid ah uu sameeyo Dawlada uu hogaamiyo laakiin ma dhicin nasiib daro iyada oo dad badan aaminsan yihiin in  laga qaado cuna qabateynta Somalia ( Arm Embargo)uu faaido keliya uu leeyahay Ummadda Somaliyeed oo Dawlada wax dhaqaala ah si shaqsi ah aysan ugu jirin haddii ay arrinkaas xooga saari lahayd oo ay u arkeen wax mustaqbalka fog ah.

Waxaa Somalia ka faaidi lahayd arrinkaas inay dhisato Ciiddan ku filan inay ilaaliyaan hawadeeda, badda iyo beriga, waxaa kale oo la heli lahaa in la helo technology casri ah oo dadka looga badbaadiyo Qaraxyadan Maalin walba iska dhaca, waxaa kale oo ka maarmi lahayn inaan hoos fadhino ciiddamo ajaanib ah 10 sano la soo dhaafay aan wax horumar ah soo siyaadinin, waxaa leenahay ciiddamo geesiyaal ah laakiin aan heli karin wax ka badan qoriga AK47.

Waxaa is weydiin leh in dadka laga badbaadiyo musiibadan meel walba lagu dilayo iyo in dadkii lagu mashquuliyo Deyn cafin oo ku dahsoon dano shaqsi ah midee u muhiimsan ummadda , sidoo haddii aan rabno in aan noqono waddan leh sharafkiisii iyo karaamadiisii oo Nabad iyo barwaaqo ah waa inaan marka hore aan yeelanaa ciiddan isku filan dhan walba oo waddan aan ciiddan qalabeysan lahayn waddan ma noqon karo.

Waxaan kula talinayaa Somalia iyo addunka in marka deynta la cafiyo aanan Dawlada loo gacan gelinin lacagta $300 million oo marka hore cuna qabtaynta hubka laga qaado Somalia oo lacagtaas Somalia loogu iibiyo qalab military oo ay ku ilaashato xuduudaheeda, Badda , beriga iyo cirka.

Somalia ha nolaato.

Abdiaziz Hassan Giyaajo Amalo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!