Mareeg Media
Somalia

Maxaa Sababay khilafka kadhexeeya Hey’ad ka howlgasha Garoonka Aadan cade iyo Shaqaalaheeda

Muqdisho ( Mareeg News) Wararka ka imaanaya garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha hagista diyaradaha ee garoonka Aadan Cade.

Shaqaalahan ayaa ka cabanayay maalmihii lasoo dhaafay awood sheegashada shirkada Turkiga ah ee maamusha garoonka.

Favori oo ah shirkad Turkish oo maamusha garoonka Aadan Cade ayaa shalay shaqadii ka joojisay Farxaan Black oo ahaa madaxa kooxda diyaaradaha hagta markii ay soo dagayaan. Ninkaan iyo shirkada ayaan si dhab ah loo fahmin waxa ay isku hayaan laakiin shaqaalaha garoonka qaarkood ayaa u sheegay mareeg  in garoonka dhexdiisa uu ka jiro tacadi xoogan oo lagu hayo shaqaalaha Soomaalida ah.

XASAASI:- Arin lama filaan ah oo kusoo Wajahan Shacabka Muqdisho iyo magaalooyin dhowr ah

Saakay waxaa shaqadii joojiyay guud ahaan shaqaalihii hagista diyaaradaha ee garoonka Aadan Cade waxaana ay ku andacoodeen in laga gardan yahay saaxiibkood Farxaan. Waxaa ay shirkada Turkiga ah ku qasbeen iney dib usoo celiso Farxaan oo ay u fasaxdo shaqadiisa.

Arrintaan ayaa la sheegay iney soo fara galiyeen madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya. 2013kii ayaa shirkadaan lagu wareejiyay maamulka garoonka, halkaas oo ay lacag badan ka sameeyeen mudadii ay heysteen ,laakiin eeda ugu badan ayaa ah iney si qaab daran ula dhaqmaan shaqaalaha Soomaalida ah. Si walbaba lama hubo in la xaliyay shaqo joojintii shaqaalaha hagista diyaaradaha iyo in Farxaan lagu soo celiyay shaqadiisa.

Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ?

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!