Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Xasan Sheekh?

Read Time:45 Second

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo weli caqabado ay ku hor gudban yihiin.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal farabadan lagu bixiyo sidii loo qaban lahaa shir xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka si horay loogu socdo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in ay muhiim tahay in xal waara laga gaaro Arrimaha doorashooyinka maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay mudada xilheynta Madaxda dowladda Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay kulamada ka socda Magaalada Garoowe oo looga hadlayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.