Mareeg.com: Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Jen. C/razaaq Khaliif Cilmi oo ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya aan halkaas laga dhoofin doonin dhuxul.
Abaanduulaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, oo booqdey dekedda degmada Baraawe ayaa kadib markii uu arkay dhuxul badan oo dhoofin u diyaar ah sheegay in tani ugu dambeyn doonto dhuxul laga dhoofiyo Baraawe.
“Hadda ayaa ugu dambeysa in magaaladan laga dhoofiyo dhuxal, deegaanka ayeey nabaad-guurinayeen nabad-diidka” ayuu yiri Jen. C/razaaq Khaliif.
Alshabaab ayaa dhuxusha laga dhoofiyo Baraawe ka heli jiray dhaqaale badan, waxaana haatan dekeddaas yaalla dhuxul farabadan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, lana doonayey in loo dhoofiyo dalalka Khaliijka.
Mareeg Media
Comments are closed.