Mareeg Media
Somalia

Maxaa keenay in Wasiirka Difaaca Britain uu diido la kulanka Madaxweyne Farmaajo?

13

Wasiirka Difaaca ee Dowladda Britain ayaa baajiyay booqasho uu ku imaan la haa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo kulamo uu la lahaa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiiro kale.

Wasiir Gavin Williamson ayaa booqasho ku tagay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, halkaasi uu kula soo kulmay Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka ayaa la filayay in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Ujeedka uu Wasiirka u baajiyay booqashadiisa ee Muqdisho ayaa lagu sheegay khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay ku amartay Safiirkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “mid aan looga baahneyn Soomaaliya”, hadaalkaasi oo caro ku beeray Xubnaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa aad uga xumaatay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Safiirkeeda.

Weli waxaa taagan Xiisad u dhaxeysa Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, iyadoo Qaramada Midoobay laga sugayo Safiir cusub oo u matala Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, bishii la soo dhaafay aye aheyd markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in Shaqaalaheeda Soomaaliya la xadidaya sababo la xiriir dhanka Amaanka, kadib markii Weerar madaafiic ah lagu qaaday Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.m

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!