Maxaa ka socda Gobolka Gedo?

Kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo sida faxfaxdhuun ayaa waxaa bilaawday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland,iyaga oo isku dayaya inay buuxiyaan goobihii ay baneeyeen Ciidamada Kenya.

Deegaanka faxfaxdhuun oo ay baneeyeen Ciidamada Kenya ayaa saacado kadib waxaa la wareegay Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa saakay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ku aadan la wareegitaanka deegaanada ay ka baxeen ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa waxaa ay horay u sheegeen in markii hore aan wax wadashaqyen ah kala dhaxeyn Ciidamada Kenya,islamarkaana ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay afduubteen,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyey MaamulkaJubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa sheegay in wararka sheegaya in Ciidamada Kenya afduubteen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda,sidoo kalena ay dileen taliyahooda aan waxba ka jirin,islamarkaana ay soo abaabuleen dad cadaw ah sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa si iskood ah waxa ay uga howlgallaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana mararka qaar ay dagaalo culus dhex maraan, iyaga iyo Ururka Al-Shabaab.