Maxaa ka ogtahay in Taliye Cusub loo magacaabay Ciidanka Ilaalada Xamar? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaa ka ogtahay in Taliye Cusub loo magacaabay Ciidanka Ilaalada Xamar?

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boro) ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Hoggaanka cusub ee Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar iyo midkii hore.

Qoraal lagu soo daabacay Bogga Facebook ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Taliye Cusub u magacaabay Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar.

G/Sare Maxamed Carabow Cali ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidamada ilaalada deegaanka ee dowladda Hoose, isla markaana bedelaya Taliyihii hore ee Ciidankaas, waxaana Taliye Carabow uu la wareegay xilka.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha degmooyinka qaarkood, Agagaasimayaal iyo Saraakiil kale

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.