Maxaa ka Jira sheegashada Somaliland ee ah in Hub ay DFS geeysay magaalada Garoowe? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaa ka Jira sheegashada Somaliland ee ah in Hub ay DFS geeysay magaalada Garoowe?

Qaar kamid ah Wargeysyada caanka ka ah  magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa qoray in Dowlada Somalia ay Hub ka dajisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Hubkaan ayaa la sheegay in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho looga raray Diyaarad khaas ah isla markaana laga dajiyay Garoonka magaalada Garoowe toddobaadkii dhammaaday.
Wargeyska Geeska Afrika oo kamid ah kuwa ugu afka dheer ee kasoo baxa deegaanada Somaliland, ayaa sheegay in Hubka markiisa hore ay Dowlada Somalia ka gudoontay Dowlada Sacuudiga oo bilihii ugu danbeeyay uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyay Somalia.

Hubka oo noocyo badan ka koobnaa ayuu Wargeesku qoray in Garoonka Garoowe laga dajiyay toddobaadkii dhammaaday xili barqo aheyd, iyadoo mudada Hubkaasi uu dagaayay hakat la galiyay isku socodka Garoonka waxaana gabi ahaan diyaarada isku gadaamay ciidamo aad u hubeysnaa, sida uu qoray Geeska Afrika
Diyaaradan oo laga ilaaliyay in dadka shacabka ahi u dhawaadan markii shixnada hubka ah laga dejinaayay ayaa waxa la sheegay in hubkaasi yahay hub uu Sucuudigu siiyay dawladda Soomaaliya, oo ay dawladda Soomaaliyana deeq u siisay maamulka Puntland.

Ujeedka Hubka laguma sheegin mid loogu tallo galay in Puntland ay kula dagaalanto maamulka Somaliland iyo in lagu bixiyay taageero, hase ahaatee uu Hubkaasi gaaray Puntland.
Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga ayaa horay u wada galay Heshiis ah in Sucuudigu hub ku taageero Somalia si loola dagaalamo xagjiriinta al-Shabaab waxa uuna Heshiiskaasi dhexmaray Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh iyo Dowlada Sacuudiga.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa horaanta asbuuci tagay muddo dhowr jeer ku celcelshay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo taageero u muujiyay maamulka Puntland, hase ahaatee Dowlada Somalia ayaa iska fogeysay eedaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhankiisa marar kala duwan ku baaqay in si dhaqsi ah lagu joojiyo dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!