Maxaa ka jira in Taliyaha Ciidanka Asluubta loo diiday in uu galo Madaxtooyada? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaa ka jira in Taliyaha Ciidanka Asluubta loo diiday in uu galo Madaxtooyada?

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu daabacay baraha bulshada, kaasi oo ku saabsana Taliyaha Asluubta laga celiyay xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in madaxtooyda Qaranka aan loodiidin, isla markaana aysan sax ahayn in uu xoog ku galay,  madaxtooyaduna  qof iyo shan qofba aan xoog ku geli Karin.

“Waxaan daba joogaa hadal been abuur ah oo ah in taliyaha ciidanka Asluubta laga celiyay Madaxtooyada Qaranka, waa dacaayad waa dulmi, waa aflagaaddo, waa xumaan dalka ka jirin dad abuuraya waaye, waa dad xumaan abuuraya, danta ay leeyihiin iyagaa og, dadkaas waxaan u fasirayaa inay yihiin dad dowlad diid ah, aniga madaxtooyada xoog kuma gelin, cid ii diidayna ma jirin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xusay inay jiraan dad beenta ku qaraabta oo doonaya inay xumaan ka dhex sameeyaan Madaxda iyo shacabka, waxaana uu intaa ku daray inaan loo dulqaadan doonin wararka been abuurta ah ee laga faafinayo madaxda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!