Maxaa Garowe kud dhexmaray MD Farmaajo iyo Madaxda M/Goboleedyada?

Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu qabtay Shir hordhac ah oo looga hadlayay khilaafka muddada dheer u dhaxeeyay Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Mamulka Goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday Garoowe ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka uu ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud.

Waxaa Madaxweynaha uu intaasi ku daray intii kulanku socday waxa uu soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso Garoowe bisha Maarso si loo dhaqaajiyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland dadaalladiisa wax ku oolka ah.