Matabaan: Maleeshiyo is hortaagtay ciidamada Jabuuti * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Matabaan: Maleeshiyo is hortaagtay ciidamada Jabuuti

Mareeg.com: Maleeshiyo ka tirsan Ciidamada AhluSunna Waljamaaca ee gobollada Dhexe ayaa waxey is hortaageen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo doonaayay inay ka gudbaan xadka Gobolka Galgaduud iyo Hiiraan ay wadaagaan, iyagoo kusii jeedaan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu celiyay duleedka degmada Matabaan, iyadoo xalay ciidamada ay ku hooydeen duleedka magaaladaas, kadib markii shalay la horjoogsaday.

Waxaa jira wadahadal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha Ahlu Sunna, inkastoo Ahlu Sunna ay ka biyo diidan tahay in ciidamadaan ay ka gudbaan xadka Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha AMISOM ayaa isku dayaya inay si nabad ah halkaasi uga gudbaan, waxaana wada hadal kula jiraan Saraakiisha Ahlu Sunna si aan wax gacan ka hadal ah u dhicin.

Waa markii labaad oo ciidamada AMISOM ay is hor istaag kala kulmaan ciidamada Ahlu Sunna, xilli kolkii dagaalka uu ka taagnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, ciidamada Amisom sidaan oo kale loogu celiyay duleedka Matabaan.

Gobolka Galgaduud waxaa ka taagan xasaasiyad siyaasadeed oo ku aadan halka lagu qabanaayo rasmi ahaan shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!