Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalaada Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalaada Kismaayo

Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalaada Kismaayo, halkaas oo ay kulamo wada-tashi ah kula qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada.

Cali Xaaji Aadan oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda ee gaaray Kismaayo ayaa sheegay in mashruuc lagu horumarinayo waddooyinka iyo adeegyada bulshada ee gobollada dalka uu socdo, kaas oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Maaliyadda Soomalaiya iyo dowladda Norway.

Wuxuu xaqiijiyay inay mashruuca ku baxeyso lacag dhan toddobo boqol iyo kontan kun oo doollarka Mareykanka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Faarax ayaa sheegay inay soo dhoweenayaan mashruuca, gobollada Jubbooyinkana ay ka mid yihiin meelaha ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay dalka, isla markaana ay u baahan yihiin in laga taageero dhinaca adeegyada bulshada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!