Mas’uul Xil Muhiim Ah U Haya Rugta Ganacsiga Soomaaliya Oo Xabsiga La Dhigay
Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyah Rugta Ganacsiga Maamulka Jubaland, Shaafi Raabbi Kaahin, ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shaafi,waxaa uu ka soo laabtay shirkii Brussels ee dalka Belgium-ka waxaana xiray Ciidamada amaanka ee Garoonka Aadan Cadde.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay ka qaadeen Baasaboorkii uu ku safrayay ee Diblomaasiga ahaa,iyada oo aan ilaa hadda la sheegin sababta loo xiray.
Comments are closed.