Mareeg Media
Somalia

Mas’uul shalay is Casilay oo maanta xil loo doortay

Waxaa maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu qabtay Doorashada Duqa Degmada Boosaaso.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamay labo musharax,kuwaasi oo kala ah Wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland oo shalay is casilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax Xaaji Mire.

Duqa Degmada Boosaaso ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo helay 28 Cod,halka sidoo kale Maxamed Faarax xaaji Mire uu isna helay 3 Cod.

Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada golaha Deegaanka Waxgaradka iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Boosaaso.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!