Mareeg Media
Somalia

Mas’uul Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al Shabaab Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamada isku dhafka ee Puntland iyo Galmudug ay gacanta ku soo dhigeen Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool oo ahaa madaxii howlgalada Ururka Al Shabaab ee Magaalada Gaalkacyo.

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool oo ahaa madaxii howlgalada Al Shabaab ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa shalay gelinkii dambe lagu soo qabtay howlgal balaaran ay sameeyeen Ciidamada isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada ayaa sido kale ku soo qabtay howlgalkaasi afar nin oo la sheegay iney la socden sarkaalkan gacanta lagu soo dhigay.

 

 

 

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!