Mas’uul lagu eedeeyay musuq maasuq oo CID-da isku dhiibay
Axmed Cabdullaahi Samow oo ah Madaxii Kastamka canshuuraha Dekedda weyn ee Magaaada muqdisho ayaa isku dhiibay Ciidamada Dambi baarista CID-da kadib markii uu kamid noqday 10 qof oo loo xiray musuq maasuq.
Ciidamada booliska gaar ka ah ee hay’adda Dambi baarista CID-da ayaa shalay galay Samow ka raadiyay hoygiisa oo ku yaalla Degmada xamar jabjab ee Gobolka Banaadir,balse waxaa la sheegay in uu isaga lugihiisa ku tahay xarunta CID-da,isla markaana xabsiga la dhigay.
Ciidamada booliska ayaa shalay masuq maasuq u xiray ilaa 9 qof oo ka shaqeysa kastamka dekeda weyn ee Muqdisho kuwaas oo ku eedeysan iney laaluush ka qaateen muwadiin Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Axmed Cabdullaahi Samow oo ah Madaxii Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho ayaa loo heystaan inuu masuq baahsan ku kacay.
Comments are closed.