Mareeg Media
Somalia

Mas’uul lagu dilay Qarax ka dhacay Degmada Maxaas (AKHRISO)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax maanta ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu beesaday Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Guddoomiye ku xigeenka Degmada Maxaas Cabdirashiid Cismaan Carab.

Goobooge ayaa u sheegay Mareeg in Qarax uu ku dhintay Guddoomiye Carab, islamarkaana uu dhaaewac ka soo gaaray labo kale oo ka mid ah Ilaaladiisa.

Qaraxan ayaa mas’uuliyadiisu waxaa sheegtay Kooxda Al Shabaab.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!