Masuul ka tirsanaa maamulka maaliyadda degmada Yaakhshiid oo lagu dilay Suuqbacaad

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Mas’uul ka tirsan maamulka Maaliyadda degmada Yaakhshiid ee gobolka Banaadir ayaa saaka lagu dilay meel ku dhow Suuq Miijiska ee ka tirsan Suuqa Suuqbacaad.

Mas’uulka la dilay oo la oran jiray Axmed Maxamed (Goobe) ayaa waxaa toogtay ilaa 3 nin oo bastooladu ku ubeysnaa.

Dilkaas kadib waxaa meydka mas’uulkaas goobta ka qaaday ciidamada booliska degmada Yaakhshiid.

Axmed Goobe oo aad looga yaqaanay Suuq Bacaad iyo hareeraheeda ayaa ka howlgeliyey Laanta Horseed ee ku dhex taalla Suuqbacaad.

Dilkaan ayaa noqonaya kii 2-aad ee muddo ka yar 48 saacadood ka dhaca Suuqbacaad, iyadoo Isniintii askari ka tirsan ilaalada guydoomiye ku xigeenka arrimaha bulsahada ee degmada Yaakhshiid uu toogtay wiil arday jaamcadeed ahaa oo la oran jiray Cumar Xasan Warsheekh.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.