Mas’uul ka tirsanaa Jubbaland oo la dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

Read Time:48 Second

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay geerida Maareeyihii hore Dekadda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Cawil Cali Barre Cumar oo xalay lagu dilay xaafad ka tirsan Magaaladaas.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maareeyihii uu u geeridooday rasaas ka dhacday meel ku dhow hoygii uu deganaa Marxuum Cawil Cali Barre oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Jubbaland ayaa sheegtay in Hay’addaha amniga Maamulka ay ku guda jiraan baarista waxa sababay rasaastii dhacday, waxaana tacsi loo diray qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Cawil Cali Barre uu ku dhintay israsaaseyn dhexmartay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Jubbaland, sidoo kalena ay ku dhaawameen laba qof oo shacab ah oo wadada marayay.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo geystay Askar, Ganacsato iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.