Masuul ka tirsanaa Hayada wadooyinka Puntland oo lagu dilay Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masuul ka tirsanaa Hayada wadooyinka Puntland oo lagu dilay Garowe

Mareeg.com: Waxaa xalay lagu diley magaalada Garowe ee xarunta Puntland Eng. Cabdirashiid Bulxan Boqor Cismaan oo ka tirsanaa hawlwadeenada hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.

Dilka Injineer Cabdirashiid ayaa ka dhacay meel ku dhaw hotel lagu magacaabo Towfiiq isaga oo u socda hoygiisi, waxaana dilka geystey koox watey gaari kuwaas oo xabado dhawr ah ku dhuftey kadibna meeesha ka baxsadey.

Lama yaqaan waxa dilkaani salka ku hayo, mana jirto cid si rasmi ah uga hadashey weli.

Inj. Cabdirashiid Bulxan Boqor ayaa ka soo jeeda qoyska reer Boqor waxaana uu adeer u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland JenCadde Muuse Xirsi Boqor.

Marxuum Cabdirashiid waxa uu ka mid ahaa ardeydii Jaamacadii Injineeriya ee Soomaaliya, muddo dheer waxa uu kamid ahaa shaqaalaha dowladda Puntland isaga oo mar ka soo shaqeeyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ugu danbeyntiina waxa uu ka mid ahaa hay’adda waddooyinka.

Dilkani kusoo aadayaa kadib markii 23-kii bishaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu soo saaray digreeto uu ku mamnuucayo hubka ay dadku sida sharci darrada ah u haystaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!