Mas’uul Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Soomaaliland Oo Ku Geeriyooday Dalka

Read Time:33 Second

Waxaa Magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday mid kamid ahaa Xubnaha Golaha Wakiilada Soomaaliland,iyadoo halkaasi loogu qaaday Xaalad Caafimaad.

Mas’uulkan ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Askar Xasan,waxaana Ehelada Marxuumka ay sheegeen in ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Dalka Ingiriiska.

Deegaan ahaan ayaa la sheegay in Golaha Wakiilada Soomaaliland uu ka soo galay gobolka sool,isaga oo dhowr mar ka qeyb galay Wadahadalo lagu nabadeynayey Beelo dhowr mar ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaas.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Seylici, Xubnaha Golaha Wakiilada ayaa waxa ay ka tacsayadeeyeen Geeriada ku timid Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %