Mareeg.com: Gudoomiyaha magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Alshabaab lagula jiro ee ka socda gobolkaas ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo cadaan ah sida u yiri.
Maxamed Xaaji Cusmaan oo ah gudoomiyaha Qoryooley ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo ciidamo cadaan ah ay u diyaar garoobayaan dagaal baaxad leh oo ay ku qaadaan degmada Baraawe oo Alshabaab maamulaan iyo magaalooyin kale.
Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin dalalka reer galbeedka qaarokood ayuu Maxamed Xaaji sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu gelayo degmada Baraawe oo xarrun weyn u ah Alshabaab.
Dalalka Mareykanka iyo UK ayaa horay u shaaciyey in saraakiil tabarayaal iyo kuwa farsamo ah ay ka joogaan Soomaaliya, islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dalalka reer galbeedka ka jooga Soomaaliya ee la howlgala AMISOM ay ka tiro badan yihiin inta afka laga sheego.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.