Masuul ka tirsan maamulka degmada Wadajir oo lagu dilay qarax gaari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masuul ka tirsan maamulka degmada Wadajir oo lagu dilay qarax gaari

Muqdisho – Mareeg.com: Xoghayihii maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa manta lagu dilay qarax miino oo loogu xiray gaari uu watay.

Mas’uulkaan la oran jiray Maxamud Aba Xaaji ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu geeriyooday, kadib markii qarax noociisa lagu sheegay miino loogu xiray kursiga gaarigiisa.

Marxuumka ayaa kasoo baxay gurigiisa oo ku yaalo Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir, waxaana uu kusii jeeday dhanka Xerada Rajo oo ku dhow warshada sifeynta batroolka, laakiin markii uu meel dhexe sii socday ayuu gaarigu qarxay.

Qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa. Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana qaraxyo nuucaas ah horay loola beegsaday dhowr xildhibaan iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada amaanka maamulka degmada Wadajir ayaa wada baaritaan lagu raadinayo ciddii ka dambeysay qaraxa mas’uulkaas loogu xiray gaarigiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!