
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa lala sheegtay gaaro uu watay Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali,waxaana la sheegay in uu dhaawac soo gaarey.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in guddoomiye kuxigeenkaigeenka uu ka tegay Gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir kuna sii jeeday degmada Kaxda,hayeeshee uu uu gaarigisa qabsaday xilli uu marayay Xaafada Xoosh we degmada Dharkenleey.
Inta la xaqiijiyey qaraxa ayaa waxaa ku dhintey laba Askari oo ilaalo u aheyd halka uu dhaawac soo gaarey guddoomiye kuxigeenka degmada Kaxda.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaarey Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaadey meydadka labada Askari iyo dhaawaca Guddoomiye kuxigeenka,waxaana muddo daqiiqado ah hakad ku jirey isku socodan dadka,gaadiidka iyo Ganacsiga.