MasterCard oo ku dhawaaqday in markii u horeysay ka shaqo bilowday Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

MasterCard oo ku dhawaaqday in markii u horeysay ka shaqo bilowday Soomaaliya

Shirka looga hadlayo dhaqaalaha adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayaa shirkadda MasterCard waxay kaga dhawaaqday iskaashiga dhex maray iyada iyo bankiga Soomalyeed ee Premier, taasoo ka dhigaysa in MasterCard ay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee keenta Soomaaliya adeegga kaararka Debit iyo Prepaid cards.

Iskaashigan ayaa suurageliyay in Premier Bank ATM lacag looga qaadan karo MasterCard, adeeg ama badeeco looga iibsan karo isla markaana Premier Bank ku daabacayo kaararkaas, isla Soomaaliya gudaheeda, taasoo ah markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo laga howl geliyo, kadib bur burkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991.

“Soomalaiya waxa ay horay u qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan dib u dhiska iyo xasilinta dalka, maantana waa dhacdo kale oo aad u weyn oo daaha ka rogeysa xorriyada maaliyadeed oo ay gaarayaan dadka Soomaaliyeed ka gadaal sanado badan oo dalkeenu ka go’doonsanaa ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka”sidaas waxaa yiri Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaliya Abdirahman Yusuf Ali Aynte.

Hadda ATM-yada Premier Bank waxaa lacag loogala bixi karaa kaararka MasterCard, sidoo kale Premier Bank waxa uu sanadkan guduhiisa u daabcii doonaa dadka Soomaaliyeed ee adeegaas doonaya kumanaan kaararka debit-ka ah, waxaana taas ku xigi doona prepaid card iyo point of sale machines.

Daah-furka adeegan ayaa waxa uu siinayaa dawladda, qurbo-joogta iyo hay’adaha caalamiga ahba hab sahlan oo ammaan ah, lana jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah oo ay ku bixin karaan mushaaraadka iyo lacagaha kale ee ay u dirayaan Soomaaliya, taasoo meesha ka saaraysa khatarta qaadista cash-ka.

Lacagaha loo diro Soomaaliya waxa ay gaarayaan illaa 1 billion oo doolar sanadkii, taasoo ka dhigan 35% wax soo saarka guud ee Soomaaliya, taasina waxa ay ku tusinaysaa ahmiyadda ay horumarka dalka iyo dakhliga dadka u leeyihiin lacagaha ka imaanaya dibadda.

“U xaqiijinta maal-gashadayaasha shisheeye, qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo hay’adaha deeqaha bixiyaba in nidaamkeenna maaliyadeed yahay mid la isku hallayn karo, isla markaana loo maamulo si wanaagsan waxa ay lagama maarmaan u tahay fayo-qabka dhaqaaleheenna soo kabanaya” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Mr Ceynte.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!