Mashruuca Ceelal Qodista Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Oo Muqdisho Laga Furay

Read Time:2 Minute, 33 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday ururka Islaamka iyo hay’ad lagu magacaabo Al-Raya International, waxayna wafdigani uga warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha qodista ceelel biyood gaarayay 50 oo ay ka qodeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Rami Al Shamsi, waxaana sidoo kale ka mid ahaa xubaha wafdiga Dr. Ahmad Mohamed oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Islaamka, iyo sidoo kale Mubarak Bakramun oo ka socday hay’adda Al Raya, iyaga oo xubnaha wafdigani sheegay in wajiga hore ee ay ku qodeen 50 ceelal, balse wajiga labaad ay qodi doonaan 100 ceel, dadka ku nool goboladu ay u helaan biyo ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna uga mahadceliyay wafdigan howsha baaxada leh ee ay ka wadaan dalka, isaga oo kula taliyay in si deg deg ah ay u bilaabaan wajiga labaad ee qodista ceelashan, maadaaba buu yiri baahi weyn ay u qabaan dadka ku dhaqan gobolada helista biyo.

“Dagaalada iyo isku dhacyada ugu badan ee ka dhaca dhulka Miyiga ah waxay salka ku hayaan biyo yaraanta iyo goobaha biyaha sida ceelasha wara-biyoodyada, sidaasi owgeed waa muhiim in loo helo ceelal biyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in haddii dadku ay helaan biyo ku filan la helayo nabad iyo deganaanshiyo.

Dhinaca kale, wasaaradda kheyraada dalka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta si wada jir ah u furay mashruuc ceel qodis ah oo laga hirgelinayo Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Madaxda Wasaaradda Kheyraadka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (OIC) ayaa waxaa lagu soo bandhigay mashruuc ceel qodis ah oo ay ururka doonayo in uu ka hirgelinayo Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Mashruucaan oo ah wejiga koowaad ee ceel qodista ah waxaa uu ku bilaabayaa ilaa iyo 150 ceel, iyadoo iminka qaar ka mid ah degmooyinka Gobollada Dalka laga hirgeliyay 50 ceel, waxaana u dhiman 100 ceel oo lagu wado in laga hirgeliyo Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw.

Kulanka waxaa ugu horeyn ka hadlay Wakiil ka socday OIC, kaa oo sheegay in wejiga koowaad uu yahay 150 ceel, haatanna arrintaasi ay meel wanaagsan u marayso, isagoo shacabka uga mahadceliyay sida wacan oo ay ula shaqeeyeen intii ay qodayeen 50-ka ceel.

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/risaaq Maxamed Cumar oo iska kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan uu qeyb ka yahay sidii ceelal looga qodi lahaa gobollada dalka oo ay bulshada u heli lahaayeen biyo nadiif ah, iyadoo wajiga koowaad uu ka bilawday Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, haatanna uu si rasmi ah u furanyahay

Mashruucaan oo ay ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ka hirgelineyso gobollada dalka ayaa waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ka badala biyo la’aan ka jirto meelo ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo heli doono biyo nadiif ah, iyadoo marka uu soo gabo gaboobo wejiga koowaad ee mashruucan la gudo geli doono wejiga labaad.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %