Muqdisho, Mareeg.com: Waxaa manta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad xariga looga jarayey dib u dhiska Maktabadda Umadda oo ka mid aheyd adeegayadii bulshada eek u burburay dagaalkii bilawday sanadkii 1991-kii.
Munaasabadan lagu daah furayay mashruuca dib u dhiska iyo dib u howl galinta maktabadi Ummada ee dalka Soomaaliya oo uu fulinayo Machadka Siyaasada iyo Cilmi Baarista ee Heritage oo ay caawineyso wasaarada horumarinta adeega bulshada Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen wasiirka horumarinta adeega bulshada Maryan Qaasim, xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Prof. Maxamed C/qaadir oo ah guddoomiyaha guddiga dib u soo nooleynta Maktabadda Umadda, ahna agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay wax ka bedeli doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, ayna ka heli doonaan xarunta buugaag casri ah.
Madaxa mashruuca dib u soo nooleynta maktabadda Qaranka, Seynab Maxamed ayaa waxay faahfaahin ka bixisay cidda maal-galineysa dib u dhiska ay ku sameynayaan maktabadda, waxeyna sheegtay iney iska kaashanayaan Machadka Heritage, Wasaaradda adeega bulshada Soomaaliya iyo ganacsato.
Mashruuca dib loogu dhisayo Maktabadda Umadda waxaa ku baxaya ilaa $1 Milayn oo dollarka Mareykanka, wuxuuna dayactirka dhismahaas oo ka kooban 3 dabaq qaadan doonta muudo 6 bilood ah.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda laga sheegay in Maktabadda hadda lo ohayo ilaa 22 Kun Buug, islamarkaana la rajeynayo in Jaamacadda Carabtu ku deeqdo ilaa 60 Kun oo Buug hadii dhismuhu dhamaado.
Wasiirka wasaarada horumarinta Adeega Bulshada Xukuumada Soomaalia Maryam Qaasim Axmed oo ka hadashay faa’iidada ay umada Soomaaliyeed u leedahay dib u howlgalinta maktabatan iyadoo carabka ku adkeeysay in dowladu ay qeyb weyn ka qaadan doonto hirgalinta mashruuca lagu dhisayo Maktabadda Ummadda.
C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka oo isna ka hadlay halkaas ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay howshan dib loogu soo noolaynayo maktabadda ee uu wado machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, uuna ugu hambalyenayo sida wanaagsan oo ay u hindiseen in la nooleeyo maktabadda ummadda oo lagu ilaaliyo dhaqanka iyo waxyaabaha taariikhiga ah.
Sidoo kale, Shirwac wuxuu talo uu u jeediyay guddiga ku howlan dhismaha daarta maktabadda Qaranka inay u dhisaan qaab dadka soo jiidan karo oo dhir doog ah ay ku abuuraan.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa lasoo bandhigay filim looga hadlayay dib u soo noolaynta Maktabadda Ummadda oo ku taala agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo faa’iido u leh dadka iyo dalka, taasoo uu ka muuqday burbur xooggan, waxaana dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda ay aad ugu riyaaqeen filimka.
Mareeg.com