Masar oo qalab ciidan ku wareejisay wasaaradda difaaca Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masar oo qalab ciidan ku wareejisay wasaaradda difaaca Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Masar ayaa maanta qalab ciidan ku wareejisay wasaaradda gaashaandgiga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Gashandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta agab milateri ka guddoomay safiirka cusub ee Masar u soo magacaawday Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho, isla markaana ay goob joog ahaayeen abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay guddoomeen qalab milateri oo ay dowladda Masar ugu talagashay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in agabkan ciidan ay wax badan ka tareyso howlgallada ciidamada xoogga ay dalka looga saarayo Al-Shabaab.

“Farxad ayay noo tahay in aan qalabkan kala wareegno maanta safiirka Masar u qaabilsan Soomaaliya, waxa ayna isugu jiraan dharka ciidanka iyo agab kale” ayuu yiri Abaanduulaha.

Safiirka cusub ee Masar u soo magacaawday Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil ayaa sheegay in agabkan uu yahay mid ay ugu talagaleen in lagu tayeeyo qalabka ay adeegsadaan ciidamada xoogga dalka, ayna sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay safiirka iyo Dowladda Masar taageerada ay siinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in dowladda ay xoogga saareyso dib u dhiska ciidanka.

Safiirka cusub ee dalka Masar ayaa shalay waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Masar ayaa u muuqta iney dooneyso iney mar kale ku lu yeelato arrimaha Soomaaliya oo muddo ka fadhiday, iyadoo dhawaan wasaaradda arrimaha debadda Masar sheegtay iney xal u raadineyso khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo R/wasaare C/weli.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!