Masar oo ku baaqday kulan degdeg ah oo ku saabsan khilaafka madaxda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masar oo ku baaqday kulan degdeg ah oo ku saabsan khilaafka madaxda Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Masar ayaa ku baaqday in wakiilada Jaamacadda Carabtu isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xal ka gaarista khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdweli Sheekh Axmed.

Qoraal axaddii kasoo baxay wasiirka arrimaha debadda Masar Saamix Shukri ayaa loogu baaqay wakiilada joogtada ah ee xubnaha Jaamacadda Carabta iyo guddiga Arrimaha Soomaaliya in salaasada soo socota la qabto shirkaas degdeg ah.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Masar ayaa lagu sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cabdiweli uu caqabad ku yahay hanaanka dhismaha dowladda Soomaaliya, arrimaha dib u heshiisiinta, dhameystirka hay’adaha Dastuuriga ah iyo gaarsita Higsiga 2016 ee beesha caalamku taageereyso, sidaas darteedna loo baahanyahay in la qabto kulan deg deg ah oo khilaafkaas lagu xalinayo.

Guddiga Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa xubno ka ah: Masar, Urdun, Imaaraadka carabta, Tunsia, Aljeeria, Jabuuti, Sacuudiga, Sudan, Soomaaliya, Saldanadda Cumaan, Libiya, Yemen iyo Xogheynta Guud ee Jaamacadda Carabta.

wasiirka arrimaha debadda Masar, Saamix Shukri ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shir wasiirro arrimo debadeed heerkiisu sareeyo, kaasoo 19-20-ka bishan November ka dhacay magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!