Masar: Mursi oo lagu xukumay dil toogasho ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masar: Mursi oo lagu xukumay dil toogasho ah

Mareeg.com: Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa xukun dil ah ku ridday madaxwaynihii hore ee Masar Maxamad Mursi, kaasoo sanadkii 2013 milateriga dalkaa afgembi xukunka uga tuureen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunkaas loogu fuliyay kaalintii uu ku lahaa maxaabiis xabsi laga siidaayay sanakiid 2011.

Maxkamad ku taalla isla dalka Masar ayaa horay Dr. Mursi ugu xukuntay 20 sano oo xabsi ah, iyadoo lagu eedeey in uu amray in la xiro oo la jir dilo mudaaharaadayaal intii uu xilka hayay.

Sidoo kale, waxaa maanta dil toogasho ah lagu xukumay 16 ka mid ah hogaamiyaasha Akhwaanul Muslimiin, kuwaasoo lagu eedeeyey iney jawaasiis yihiin. Ururka Ikhwaanul muslimiin ayaa go’aanaka maxkamadda ku tilmaamay wax lagu qoslo.

Mursi waxaa xilka ka tuuray millitariga bishii 7 ee sanadkii 2013-kii, arrintaas oo dabo socotay mudaaharaadyo balaarnaa oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!