Masar: Maxkamad toogashu ku xukuntay 528 ka mid ah Akhwaanul Muslimiin
Qaahira – Mareeg.com: Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil toogasho ah ku riday ilaa 528 ruux oo ka tirsan taageerayaasha madaxweyinihii xilka laga tuuray ee Dr. Maxamed Mursi.
Dadka la xukumay ayaa isugu jiray hogaamiyaal ka tirsan ururuka Akhwaanul Muslimiin iyo taageerayaashooda, waxaana lagu eedeeyey iney ku kaceen dil, falal kharbudaad ah, boob hubka dowladda iyo eedeymo kale.
Waraaqaha xubnahan faraha badan ayaa maxkamadda magaalada Almaniyaa waxey u wareejisay Muftiga guud ee dalka Masar.
Sida uu qabo qaanuunka Masar, u wareejinta waraaqaha eedeysanayaasha ee Muqftiga dalka ayaa ka dhigan in dad la maxkamadeynayo lagu xukumay dil toogasho ah.
16 ka mid ah eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenay ayaa wax dambi ah lagu waayey, waxaana maxkmaddu sheegtay ineysan dambi laheyn.
Dadkaan la xukumay waxaa gacanta lagu hayaa 115 ka mid ah, iyadoo inta kale aan gacanta lagu heyn, waxaana dhamaan dadkaan u furan iney racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay.
Xukunkaan ayaa laga yaabaa inuu qarxiyo carrada dadka kazoo horjeeda maamulka milaterigu majaraha u hayo ee dalka Masar, iyadoo warar soo baxay sheegayaan in islamaaanta dad careysan dab qabadsiiyeen dugsi hoose.
Mareeg Media
Comments are closed.