Masar: Maxkamad u gogol xaartay dil lagu xukumo 683 uu ku jiro hogaamiyaha Akhwaanul Muslimiin

Read Time:1 Minute, 18 Second

Qaahira – Mareeg.com: Maxkamad ku taalla maxkamadda magaalada Al-miya ee dalka Masar ayaa sameysay gogol-xaarka dil toogasho ah oo ay xukumeyso 683 oo ka mid ah taageerayaasha Ururuka Al-akhwaanul Muslimiin.

Dadka la xukumay waxaa ku jira hogaamiyaha Al-akhwaanul Muslimiin Dr. Muxamed Badiic. Maxkamadda ayaa waraaqaha dadkan u gudbisay muftiga guud ee dalka Masar si uu saxiixo.

Sida uu qabo qaanuunka Masar, u wareejinta waraaqaha eedeysanayaasha ee Muqftiga dalka ayaa ka dhigan in dad la maxkamadeynayo lagu xukumay dil toogasho ah.

Dadkan faraha ee dilka lagu xukumay waxaa lagu eedeeyey iney dadka kiciyeen iyo iney qeyb ka qaateen dilka iyo dhaawaca saraakiil boolis ah.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqista xukunkaan u qabatay 21-ka bisha Juun ee soo socta, iyadoo ka war sugeysa talabixinta muftiga guud oo la sheegay iney tahay mid aan qasab aheyn.

Markii maxkamaddu ku dhawaaqaday in waraqaaha 683 loo gudbiyey muftiga si uu u saxiixo ayaa waxaa maxkamadda horteeda is qabsaday buuq iyo baroor ay ku dhaqaaqeen ehellada dadka xukunka dilka ah lagu riday.

Dhamaan xukunada ayaa ah kuwo kuwa la duri karo, islamarkaana racfaan laga qaadan karo. Maxkamadan ayaa Isniintii xukun toogasho ah markale ku riday 37 ka mid ah 529 ruux oo dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkaan waraaqahooda loo gudbiyey muftiga guud.

492-ka soo haray ayaa maxkamaddu ka fududeysay xukunka, waxeyna xukunkii toogashada ahaa ugu badeshay xabsi daa’in ama madaxaa haku furto.

Fududeynta xukunka maxkamadda ayaa timid kadib markii xukunkii dhamaadkii Maarso lagu riday 529 ruux uu keenay jawaabo carro leh oo ahaa heer gobol iyo heer caalami.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.