Masar: Maxkamad dil ku xukuntay hogamiyaha Akhwanul Muslimiin, Maxamed Badiic * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Masar: Maxkamad dil ku xukuntay hogamiyaha Akhwanul Muslimiin, Maxamed Badiic

Mareeg.com: Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa warqadaha 27 ruux oo isugu jira xubno Akhwaanul Muslimiin ah iyo taageerayaashooda oo uu ku jiro hogaamiyaha ugu sarreeya ururkaas, Maxamad Badiic waxey u wareejisay muftiga dalka Masar si loogu godol xaaro in la toogto.



Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamad Mursi.

Badiic iyo taageerayaashiisa waxaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda.

Arrintan ayaa haatan loo gudbiyay muftiga dalkaasi, oo go’an ka soo saari doono, waxaana maxkamaddu ku dhawaaqidda xukunka kama dambeysta ah u qabatay 11-la bisha April ee soo socota.

Maxkamad kale ayaa horey dil ugu xukuntay Badiic, balse waxaa gadaal dambe loo baddalay xabsi daa’im.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!