Masar iyo Imaaraadka Carabta oo duqeymo cirka ah ka geystay Liibiya

Read Time:1 Minute, 37 Second

Mareeg.com: Waxaa soo ifbaxaya dalalka iska leh diyaarado dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay dhowr jeer duqeeyey garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.

Warbaahinta caalamka qaarkeed ayaa qoray in diyaaradaha weeraray maleeshiyaadka Islaamiga ah ee dhawaan la wareegay garoonka diyaaradaha Tripoli ay leeyihiin dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mareykanka aanan lagala tashan duqeymo cirka ah oo ay dalalka Masar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ku qaadeen fariisimo ay leedahay maleeshiyo ka dagaallamaysa dalka Liibiya.

Mar sii horeysayna, wargeyska New York Times ayaa sheegay in labada dal ay si qarsoodi ah isaga kaashadeen duqeymo ay diyaaradahooda u geysteen maleeshiyada Islaamiga ah ee dooneysa in ay gacanta ku dhigto caasimada Tripoli.

Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan ayaa laba jeer todobaadkii lasoo dhaafay duqeeyay goobo ka tirsan caasimada Tripoli, xilligaasi oo uu socday dagaal xooggan oo ay maleeshiyada Islaamiga ah ku dooneysay in ay garoonka diyaaradaha kaga qabsato ciidamo dowladda taabacsan.

Isniintii shalay ahayd ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxa uu qoray, in dalalka Masar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay fuliyeen duqeymaha, iyaga oo aan la socodsiin dowladda Mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Mareykanka aanu wax war ah u haynin xilliga ay duqeymaha dhacayeen, waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda Washington ay ka walwalsantahay in hub ay ka iibsadeen labadaasi dal loo adeegsaday duqeymaha, taasoo buu sheegay in ay kasoo horjeedo shuruudihii lagu iibiyay hubkaasi.

Masar ayaa beenisay in ay fulisay duqeymaha, halka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabtana aanay ka hadlin arrinka.

Duqeymaha ayaa muujinaya loolanka awooddeed ee u dhexeeya hogaamiyayaasha Carabta iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dhashay kacdoonkii saameeyay inta badan dalalka Carabta.

Dowladda Qatar ayaa hub iyo lacagba siiyay xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Liibiya iyo meelo kale, halka xukuumaddaha Masar, Isutaga Imaaraadka Carabta iyo weliba Sacuudi Carabiya ay doonayaan in laga adkaado xoogaggaasi Islaamiga ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.