Maryan Qaasim Oo Iyadoo Ilmeyneysa Xilka Wareejisay (Maxey Tahay Sababtu?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maryan Qaasim Oo Iyadoo Ilmeyneysa Xilka Wareejisay (Maxey Tahay Sababtu?)

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirkii hore ee Hormarinta Adeega Bulshada Soomaaliya Marsyan Qaasim ayaa shalay xilka ku wareejisay wasiirada loo magacaabay dhowr wasaaradood oo ay isku heysay sanadkii lasoo dhaafay.

Maryan Qaasim ayaa xilka wareejisay iyadoo ilmeyneysa, waxeyna sheegtay iney aad uga xuntahay iney gaari weysay hamigii ay laheyd ee ahaa iney waxbarasho gaarsiiso ilaa 1 Milyan oo caruur Soomaaliyeed, kuwaasoo ku kala nool gobollada kala duwan ee dalka.

Waxey sheegtay Maryan Qaasim iney barnaamijka “Aada Dugsiyada” ee ay bilawday wasaaradeedu uu ka hirgelay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxeysa qirtay iney jireen caqabado badan iyo howlo aan la qaban.

Maryan Qaasim ayaa cafis weydiisatay carrurta Soomaaliyeed ee ay u ballan qaaday iney waxbarasho soo gaarsiineyso, iyadoo xustay iney xilkeeda weysay xilli ay weli u harsanaayeen howlo badan.

“Uma ilmeynayo xil jaceyl, waxaa murug igu haya ballanqaadkii aan u sameeyey carrurta Soomaaliyeed ee ahaa inaan waxbarasho siinayo $1 Milyan, taasi iima suuragelin oo waxaan islahaa waxaad heystaaa 4 sano, ma is laheyn xukuumadda ayaa dhaceysa” ayay tiri Maryan Qaasim Axmed.

“Waxaan carruurta Soomaaliyeed ka codsanayaa iney i cafiyaan maadaama aan fulin waayey ballantii aan u qaaday, waxaa Alle igu ogyahay inaan dedaal badan ku bixiyey” ayay sidoo kale tiri Maryan Qaasim Axmed.

Wasaaradda Horumarrinta Adeega Bulshada Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday mashruuc loogu magac daray “Aada Dugsiyada”, waxaana mashruucaas loogu talagalay in waxbarasho lacaga la’aan ah lagu siiyo carruurta Soomaaliya.

Maryan Qaasim ayaa shalay wareejisay 6 Wasaaradood oo kala ahaa:Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaarada Hormarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaarada Dhalinyarada iyo Isbortiga, Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More