Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo lagu aasay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Meydka Marxuum Maxamed Saleymaan Tubeec ayaa manta oo axad ah 16/03/2014 laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo shalay laga soo qaaday dalka Jarmalka.

Meydka Tubeec ayaa waxaa markii laga soo dajiyay garoonka ku soo dhaweeyay halkaas mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad weyne fara badan oo ku sugayey gegida.

Qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa garoonka diyaaradaha ayaa la xiray si loo adkeeyo ammaanka mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ka qeyb-galaya aaska Tubeec.

Marxuum Tubeec oo Soomaalidu u taqaanay boqorka codka ayaa markii laga soo qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu aasay qabuuraha dugsuga tababarka booliska Jen. Kaahiye (Ex-Iskuul Bolisiiyo).

Waxaa aaska ka qeybgalay madax badan oo uu ka mid ahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, wuxuuna tacsi u diray ehaladiisa iyo umadda Soomaaliyeed.

11-kii bishaan Maarso 2014 ayuu Maxamed Suleymaan Tubeec ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245