Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Lagu Barbar Aasay Madaxweynihii Hore Aadan Cadde (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Lagu Barbar Aasay Madaxweynihii Hore Aadan Cadde (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Ceel-carfiid ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, dhanka degmada Balcad.

Meydka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo laga soo qaaday garoonka diyaaradaha ayaa salaadda jaanasada lagula dukaday Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka, waxaana markaaas kadib loo qaaday goobta lagu aaay.

Halka lagu aasay marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen waa goobtii horay 7-dii bishii June ee sanadkii 2007-dii lagu aasay Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Aas qaran oo loo sameeyay raysul wasaarihii hore waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari iyo qaar ka tirsan golha wasiirada, xildhibaanada, saraakiil ciidan iyo dadweyne.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay aaska madaxda maamul-goboleedyada dalka, sida madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha maamulka Juba Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo aaska ka hadlay ayaa isna sheegay in marxuum C/risaaq uu ahaa mas’uul dadaal u weyn u soo galay Soomaaliya, wuxuuna ahaa mas’uul taariikh weyn kaga tahay Soomaaliya.

“Maanta waa maalin tacsi ah oo aan u duceynayno Allena uga baryayo in marxuum C/risaaq uu jannadiisii ka waraabiyo, aaskiisa wuxuu isku keenay dad badan oo aan qaarkood dalka imaan muddo 20-sano ka badan,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo sii hadlay ayaa sheegay in tusaale laga dhigto howshii uu dalka u soo qabtay marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen, isagoo xusay in Soomaalidu ay ka tashato sidii dalka loo mideyn lahaa loona sugi lahaa ammaankiisa.

Gabar uu dhalay raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Ubax Cabdirisaaq ayaa uga mahad-celisay dowladda dadaalka ay u gashay hab-maamuuska qaran ee loo sameeyay aaska aabbaheed Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Ubax waxay ballan-qaadday in ay sii wadi doonaan howlihii uu qaban jiray marxuumka. “Waxaan Alle uga baryayaa in Aabbahay uu u naxariisto, waxaana u mahad-celiyaa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo dadaal u galay sidii Aabbahay loogu aasi lahaa dalkiisii hooyo,” ayay tiri Ubax C/risaaq Xaaji Xuseen oo goobta aaska ka hadashay.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa raysul wasaarihii labaad ee Soomaaliya wuxuu Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday dalka Mareykanka. Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa sanadihii 1964-1967 soo noqday Ra’iisul Wasaarihii labaad ee soo mara Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!