Markab Xoolo fara badan sida oo ku gubtay Nawaaxiga Dekedda Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Markab Xoolo fara badan sida oo ku gubtay Nawaaxiga Dekedda Boosaaso

Boosaaso ( Mareeg.com)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku soo warramaya in Markab siday xoolo fara badan ay maanta ku gubatay meel aan ka fogeyn xeybta Boosaaso oo ay ka shiraacatay.

Markabka Gubatay ayaa waxa ay ku sii  jeeday dalka Isutagga Imaaraatka Carabta waxaana kadib dabka ka kacay la xaqiijiyay in ay ku  basbeeleen Xoolo dhan  510 neef oo Lo ah iyo sidoon kale 660 Ari, waxaana wadarta guud ay isku tagaysaa 1,170 (Kun Boqol Iyo Todobaatan) Neef.

Saraakiil ka tirsan ilaalada Xeebaha Puntland oo u warramay Warbaahinta ayaa xusay in illaa 11 qof ay badbaadiyeen oo shaqaalihii markabka gubtay ka tirsanaa.

Dabka ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay coos loo saaray xoolaha Markabka saarnaa oo dab ka bilowday uu gaaray matoorka Hoose ee Markabka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.