
Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada badda Maamulkaasi iney gacanta ku dhigeen markab si sharci daro ah uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya.
Saraakiil sar sare oo katirsan Ciidanka Puntland ee kuwa Badda ayaa sheegay in Markabkaan ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee Puntland ka dib markii ay ka war heleen inuu halkaasi ka waday Jariif.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah, ayna la socdeen 10 shaqaale ajnabi ah oo uusan sheegin dalka ay u dhasheen.
Markabka iyo shaqaalaha la socday ayuu sheegay ku wareejiyeen hay’addaha Caddaaladda Maamulka Puntland si looga qaado talaabada sharciga ah ee ku haboon.
Inta Badan maraakiibta caalamiga ah ayaa Soomaaliya ka kallumeysta iyagoo aan heysan wax shati ah waxaaana sidan oo kale dhower jeer loo qabtay maraakiib sharci darro ku kallumeysaneysa.
Maraakiibta qaar ayaa baxsada Malaay kan ugu qaalisan ee aduunka oo Badeena laga helo iyadoo qaarkood ay wasaq ku shubaan Biyaha Soomaaliya
Muqdisho-Somalia