Markab la sheegay in Buracad badeeda Soomaalida ah ay afdubteen oo la beeniyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Markab la sheegay in Buracad badeeda Soomaalida ah ay afdubteen oo la beeniyay

Mareeg.com-Washington —Markab ganacsi oo maalintii shalay la sheegay in ay afduubteen Buracad badeed Soomaali ah ayaa la beeniyay iyadoo Saraakiisha Badda ay shegayaan in Marakabkasi Ciidamada ka xaystay ay ahayeen Eratariaan kadib markii uu Markabkasi uu galay Biyaha Eratria

Warkaan ka soo baxay Waaxda Badaha Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in aysan cadayn sababta ay Ciidaamda Erataria u fuleen Markabkaasi lagu magacaabo MV Marzooqah walina ma aysan noo suurta galin in aan la xariirno Masuliyiinta dowlada ka takooran Beesha caalamka ee Ertaria.

Afhayeenka Midowga Yurub ee Ciidamada Badda Jacqueline Sherriff, ayaa sheegay in kooxa Hubaysan ee Markabka fuulay ay yihiin Ciidmada Erataria lakiin aysan ahayn sida loo malaynayay Buracad badeeda Soomaalida ah .

Waxaanu aaminsanahy in Mrakabka hada uu ku jiro gacanta Ciidamada Erataria walow aanu horay ugu malaynaynay Buracad badeeda waayo qaabka Markabka loo kaxaystay ayaa ahayd qaabkii looga bartay Buracad badeeda .

Dowlada Eratria ayaanan wali wax war ah ka soo sarin sababta ay ciidamadeeda Markabkaasi Ganacsi u kaxaysteen iyo halka markabkasi lagu hayo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!