Mareykanka Oo Xoojinaya La Dagaalanka Alqaacidda Ee Geeska Afrika

Read Time:1 Minute, 10 Second

Jabuuti – Mareeg.com: Xukuumadda Washington ayaa sheegtay iney sii ballaarineyso howlgallada milateri ee Geeska Afrika ee ka dhanka ah Alshabaab iyo Alqaacidda oo dhaqdhaqaaq xooga ku leh gobolka.

Mareykanka ayaa saldhig milateri oo weyn waxa uu ku leeyahay dalka Jabuuti, halkaas oo lagu tababaro ciidamo gaar ah oo la dagaallama Al-Shabaab.

Saldhigaan milateri ayay inta badan kazoo duulaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee weerarada ka geystay dalka Soomaaliya.

Sirdoonka Marekanka ayaa soo jeediyay in la adkeeyo ammaanka dalalka gobolka, si looga hortago khatarta kooxaha argagixisada ah ee xiriirka dhow la leh Al-Qaacidda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli sanadkii hore weerar lagu qaaday xarun laga dukaamaysto oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, weerarkaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Washington ayaa soo saartay digniin ku socota Muwaadiniinta Mareeykanka ee doonaya ineey u safraan Soomaaliya iyo kuwa hada ku sugan.

Digniintaan ayaa soo baxday, kadib markii ay dhawaan shabaab ku hanjabeen, ineey beegsan doonaan Goobaha ay maamusho DFS, AMISOM, iyo Ajaanibta.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka, waxaa lugu sheegay in kooxaha lagu tilmaamay argagxisada inay muujiyeen sida ay uga go’antahay inay weeraraan dawladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo goobaha kale ee aan milatariga ahayn intaba.

Digniintaan waxaa kalo lugu sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ka fogaadaan inay maraakiib ama doonyo ku maraan meelaha u dhow xeebaha Soomaaliya, haddii ay marayaana usocdaan si xeyn xeyn ah.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.