Mareeg Media
Somalia

Mareykanka Oo Xaqiijiyay Inuu Hogaamiye Ka Tirsan Ururka Al Shabaab Oo Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Deegaanka Tooratoorow

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in duqeyn ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelada Hoose lagu bartilmaamedsaday hogaamiyeyaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Warkan ayaa lagu sheegay in duqeyntan uu Mareykanka kala shaqeeyay saaxibadiisa gobolka si looga jawaabo wararadii ay Al Shabaab dhawaan ku qaaden xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wasaarada ayaa intaasi ku dartay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada ay siiyan saaxibadooda ciidamada Soomaalida oo ay xiriir leeyihiin.

Warkan ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii baarayo faahfaahinta howlgalkan islamarkaana ay soo gudbin doonan waxii faahfaahin dheeri ah ee laga helo weerarka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!