Mareykanka oo xaqiijinaya wariye madaxa laga jaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo xaqiijinaya wariye madaxa laga jaray

Mareeg.com: Maamulka Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii uu u xaqiijin lahaa dhab ahaanshaha muuqaal fidiyow oo muujinayay dilka wariye sawir qaade ah oo u dhashay Mareykanka oo ay kudha ka jarayaan dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ee ISIS.

Kooxdan ayaa sii daayay muuqaalkan Fidiyow Talaadadii, kaasoo ay ku muujinayeen qof ay ku sheegeen wariye James Foley madaxa laga gooynayo, iyagoo sheegay in dilkiisa ay fariin u tahay Mareykanka, oo ay uga digayaan inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Aqalkca Cad ayaa sheegay in hadii muuqaalkaasi uu dhab yahay ay aad uga xunyihiin dilka waxashnimada ah ee loo geystay wariyehaasi Mareykanka ah ee aan waxba galabsan.

Wariyahan ayaa la waayay isagoo ka soo waramayay colaadda Syria bishii November sanadkii 2012kii.

Khalaafada Islaamiga ayaa sidoo kale ku sheegtay Fidiyowga inay hayaan wariye kale oo u dhashay Mareykanka Steven Sotloff oo isna lagu waayay Syria bishii July sanadkii 2013ka, waxeyna ku goodiyeen in noloshiisa ay ku xirantahay talaabada xigta ee uu qaado Madaxweyne Obama.

Dhanka kale, Millitariga hawlaha qarsoodiga ah fuliya ee Maraykanka ayaa sheegay in ay dhawaan isku dayeen in ay soo badbaadiyaan la’haysteyaal Maraykan ah oo lagu haysto Suuriya, balse ay ku guul daraysteen. Arintaas waxaa shaaciyay wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Ma ay san sheegin in Ciidammada Maraykanku, ay sidoo kale isku dayeen in ay soo badbaadiyaan wariyaha Maraykanka ah ee James Foley.

Khalaafada Islaamiga ah ayaa talaadadii soo saaray Muuqaal muujinaya wariyahaas oo madaxa laga jarayo.

Khaliifada Islaamiga ah waxa ay sheegtay in dilka Foley uu ahaa aargusasho ay Maraykanka uga aargudanayaan weerarada uu ku qaaday dagaal-yahanadooda Ciraaq.

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa dilkaasi cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay arin adduunka oo dhan ka yaabisay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!