Mareykanka oo weerarkii sadaxaad ku qaaday Suniyiinta Daacish ee Ciraaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo weerarkii sadaxaad ku qaaday Suniyiinta Daacish ee Ciraaq

Mareeg.com: Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa xalay 4 weerar oo horleh ku qaadaydagaalamayaal ka tirsan dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ee loo yaqaano Daacish.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay burburiyeen qaar ka mid ah gaadiidka Daacish, kuwaasoo weerar ku hayey dadka loo yaqaano Êzidî-ya ee dalka Ciraaq.

Dadkan Êzidî –yada ayaa ka cararay magaalada Sanjaar oo ay deganaayeen markii halkaas Daacish kala wareegtay ciidamada loo yaqaano Bashmarga ee Ismaaulka Kurdiyiinta Ciraaq.

Madaxweynaha Mareykanka, Barrack Obama ayaa sheegay inuusan aqbali doonin in Daacish dowlad Islaami ah ka dhisto Ciraaq iyo Suuriya.

Obama ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka oo kaashanaya Xulafadiisa reer Yurub ay ku dadaalayaan sidii xayiraadda looga dulqaadi lahaa dadka Êzidî ee ku jira buuradeyda Sanjaar, islamarkaana Daacish raacdeysaneyso.

Mareykanka ayaa duqeynta ka dhanka ah Daacish bilaabay maalintii Jimcaha, waxaana duqeynta xalay aheyd tii 3-aad ee Mareykanku ku qaado dagaalyahanada Daacish.

Daacish (ISIS) ama dowladda Islaamiga ayaa dhawaan Ciraaq uga dhawaaqay iney dhiseen Khalaafo Islaami ah, waxaana Amiir u ah nin lagu magacaabo Abuubakar Al-baqdaadi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!