Mareykanka Oo War Cusub Kasoo Saaray Duqeyntii Ka Dhacday Deegaanka Bariire * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka Oo War Cusub Kasoo Saaray Duqeyntii Ka Dhacday Deegaanka Bariire

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa si faah faahsan loogaga hadlay Duqeyntii 28-kii August ee sanadkan xilli aroor ah ka dhacday Degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Dowladda Maraykanka ayaa sheegay howlgalkii Bariire inaanan lagu dilin dad rayid ah, balse keliya lagu beegsaday rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa beer ku taalla degaanka Bariire.

“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley, Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen Shabaab.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa kaloo Mareykanka uu sheegay in ka hor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgalla Afrika iyo kuwa Soomaalida si wadajir ah u fulin ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.

Duqeyntii Bariire oo is qabqabsi xoogan dhalisay ayaa ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay dadkii lagu laayay Duqeyntaasi in ay ahaayeen dad rayid ah, islamarkaana ay ogolaatay in Dowladda ay ka bixiso magdhow.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!