
Mareeg.com: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney laban laabi doonto tababarka ay siineyso ciidamada dalka Afrika ku biirinayaan AMISOM.
Mareykanka ayaa la sheegay inuu haataan tabar siinayo ciidamo dheeraad ah oo Jabuuti suoo diri doonto Soomaaliya.
Wasiirka arimaha Dibadda dalka Jabuuti, Mahamoud Ali Yuusuf ayaa sheegay in Mareykanka uu tababar u furay Hal Battaliyan ama 1,200-Askari oo Dowladdisa ay dooneyso inay kusoo biiriso howlgalka AMISOM ee Somaaliya.
Dhamaadka sanadkan ayaa la filayaa in askartaasi ay Somaaliya soo gaaraan sida lagasoo xigtay Wasiir Yuusuf.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo Jabuuti ay kawada shaqeynayaan istiraatiijiyad cusub oo looga hortagayo Qatarta Argagaxisada Qaarada Africa gaar ahaana Al-Shabaab oo bishii May qarax ka geystay caasimada Jabuuti.
Sarkaal sare oo katirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afica (AFRICOM) ayaa shaaciyay inay laba jibaari doonaan tabarada ay siinayaan Ciidamada Jabuuti isagoo sigaar ahna u sheegay in Ciidankan 1,200 gaaraya ay ka caawin doonaan qarashaadka lagu daabulayo iyo kor u qaadista tayada si ay awood ugu yeeshaan inay la dagaalamaan Al-Shabaab.
Wadanka Jabuuti oo daris la ah Somaaliya ayaa horay howlgalka AMISOM ugusoo biiriyay kun ciidan ah oo hada ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Somaaliya. Mareykan ayaa saldhig milateri ku leh oo weyn ku leh magaalada Jabuuti.
Mareeg Media